| Hakaraamo seegina Habaar leygu kari waaye. |
| Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo. |
| Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey. |
| Waan
idin masaafurin ilaa toban kun oo meyle Makhsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye. |
| Dabkii lagu gubto faruhu kuma diraabaane. |
| Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye. |
| Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye. |
| Ceydiga malaynee nin raga ceymo ma udiidney. |
| Waa digo hoostu nooshahay korkana degel lamoodaayo. |
| Waa maxay raga u Muhanayaa Meheradaan haystey. |
| Amba kama mahoobiyin tolkay maansadaa badane, masarna iyo kharduuna uma tegin mana masaafoonee, kamana mudannin sheekh ii marsha oo macarifo i dheere, Waan mihindisaye ii ma dhigin macallin yeedhsheeye, Waa shay maqaadiir ku yimid aan yar maamulaye,Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey. |
| Mahdabtaa Shanaad baan dajoo nala murmaysaanee. |
| Carabkii qoyani waa hadlaa, hey canjalafaynee in cadaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaa. |
| Hadii geed la jaro oo gudumo looqaato oo barka sare la googooyaa waa wax gar weyne ma guntay ugu ursadeen kan dhacay waa gobkii Maxan ee. |
| Kadadii la ii qoray horteed in aan dhintaa kaafka kuma taale. Ha karaama seegina habaar lagu kari waaye. |
| Murti
baan ka reeba Hadha iyo Anigu maahmaah'e Miisaan hadaan hadal lahayn aa macno la'aane |
Friday, January 20, 2012
Gabayada Adab carab (halqabsi)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment