Friday, January 20, 2012

Gabayadii ismaaciil mire( halqabsi)

Ragoow kibirka waa lagu kufaa kaa hala ogaado.
Hadii reerka neef laga Ajalo Waa Abaar kulule Adimda Hadii ley karshoon Awlalada laasto In aan Adarka kula Fuuqsada waa Asluubxumo'e maxaad Fuudka ii soo Ag dhigi ma ihi iidoore.
Hadaan Anigu Odayoobey oo Anafadii daayey oo Ashaahado mooyee eebo ridi waayey Alaa igu og in aan aabahaa cidu u aarayne .
Kugu xiiqay sidaan kuulahaa xaaxayahay toose, xaguun labada daarood ku daran hays xakabin meele.
Inta kaamil kooriyo kudkiyo kiisku daba joogo Walee Geel nin koolkooliyow kabaradaa dhaanta.
Inkastuu dhabcaal go'an yahuu kuu dhadhamo diido Isagoo dharaar maqan koluu dumar wax kuu dhiibo. Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa waad dhadhamisaaye Waa dhaawac kugu yaal bahdaa dhaqasho weydaaye.
Geenyada la fuulaan xaday iyo gabadha iimowday.
Haddaad moodey in keligaa uu gubaayo jiillaalku Sangihii garbaha waynaa geed ka kici waaye wakaa gooni daaqii habsadey gubaddii hawde.
Aniga oo arkaayaa faraha laygu iibsadeye.
Ha fur furin dermada la iga waa ina fadhiistaaye.
In kastuu kallaho ama kabtiyo ama kur dheer fuulo bad kalluun ku jira koley kutahay amase koob shaaha kulligood adoomaha rabbow qeybshay kimistiiye Nin waliba waxii loo katibay waa la kulansiine Nina inaanu soo kororsanayn kaa hala ogaado

Gabayadii sayid maxamed(halqabsi)

Geesigii tilmaanaa marbaa fulay u tookhaaye. Nin tabiino kuu guri jiraa kuu talaal noqone. Niman adiga kugu toosin baa kuu takhaashumiye.
Asteexiyo wanaag iyo ninkii ilindi kuu keeni. Ummuurtii aad leedahay ninkii kuu ebyoonahay
Aduunka iyo Aakhiro ninkii aslaaxaahaya. Ninkii maalintaad iilan tahay aano kugu jiidin.Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha.
Eebow nin goba baan ahoo guni rifaysaaye
Maandhow ixsaan lagama tago eed hadaad faliye.
Ma cirkaa lagayn oo dhulka laga gawdiidsan geydhooy maraakiib miyaa gurada loo saari.
Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogayne
Adigaa jidkii lagugu wici jimicla'aaneede
Jahannama la geeyow haddaad aakhiro u jihato
Nimankii jannow kacay war bay jirin inshaalleye
Jameecooyinkii iyo haddaad, howhartii aragto
Sida Eebbahay kuu jirrabay mari jawaabteeda.
Mar haddaan wadaad aayad diin, ila ekeynaynin.
Amaan aniga lay oran karayn, tanu ahaan mayso.
Allow yaa af lama daaliyee, iga asluubeysta
Wax walba wow hurayaa ninkii ii walaal noqone.
Ninka yiri wax baan gani anoo,gol iyo cayn jooga.
Ee yiri badii garacad baan, gudub u weydaarin.
Godka lagu cadaabyow muxuu, go'uhu been sheegay.
Danbiguu falaayaa Uweys loogu dowgalayeCandho dogoble goortaan dillaa roobku noo da’aye
Sargaalka iyo Hindiga waa dilaan uma sujuudaane Surkana waa ka gooyaan dadkii saaxirka ahaaye Soomaalidii uma turaan saaruqa ahayde
Cudud ma leh col kula weerar gala ciidan iyo xooge. Inkastey cid kuu soo diraan waa cidloo kale. Caloosha iyo madaxay sidii dumar cantuugaane.Maandhoow cayaayirka iga daa Carabi waa naage

Gabayayadii samatar baxnaan(halqabsi)

Waxba habar jeclada aan makalay, haw makaabbirine,Shan qolaa mataanaha ka jaban, maxamedkiiniiye. Madmadoobayaal oo dhan baan, loo muraad qumine, Waa muusanow iyo baroor, maansadaad tidhiye,Maadhiinka nimankaan la dhacay, miidha Habar Yoonis, Magta geedquwaax lagu xukumay, waa rag kaa maqane, Ma mardaaddi bay kaa jiraan, muuqan mahayane? Mise waa kuwii lagu mudmuday,maqasha daaqeeda?
Anna waxaan la xoodnaa shalay, iga xayuubsheene, hadba waxaan la xarakaadayaa,waa xogtaan helaye, waa kaa jirkaygii xugnaa,soo xankaakubaye,xoonkii shinnida quudayoo,xoon bax oranaayey,aan xababarshiyo awlallada,cidi la xaalaynin,xawliga durduradaan ka biqi,xeeb inaan tago e,xaaladooda niman baa qarshooy,xani ka raacdaaye,xuurtiyo waraabaha miyaa, xalay ducaynaayey
Nin darxumi waa reerkooda doc uma dhaafaane. dadka kugu diryaa iyo af xumo kugula dulmeeryaaba sidii laba dumar ah oo lawada qabuu kuula diriraaye.
Magligaad afaysaa ku goyn muruqa Yawloowe.
Xasan iyo Xuseen sidood annoo la ii xanbaarayo iyo hadoo gadhkii iyo xaadii ayga ka cadaday. Xabad iyo dilbay noo ahayd reer Xirsi Cimaanne.
Waa nimankaas Higlada quuta iyo heeligaa bariye halalacdii miyeydaan arkeyn hunuga dhiigiisa.

Gabayada Adab carab (halqabsi)

Hakaraamo seegina Habaar leygu kari waaye.
Ma mucaarad baan ahay hadaan xaqa ku maansoodo.
Bal Muxuu micneeyoo itaray ministerkaan doortey.
Waan idin masaafurin ilaa toban kun oo meyle
Makhsin baan idiin furi hadhuudh lagu masruuftaaye.
Dabkii lagu gubto faruhu kuma diraabaane.
Hitler baa u weynaa wiil arlada galiya hawl weyne isagaba meel haad ku cunay hubati loo waaye.
Sabool dhargaa nabada waa iskaga safaadaaye.
Ceydiga malaynee nin raga ceymo ma udiidney.
Waa digo hoostu nooshahay korkana degel lamoodaayo.
Waa maxay raga u Muhanayaa Meheradaan haystey.
Amba kama mahoobiyin tolkay maansadaa badane, masarna iyo kharduuna uma tegin mana masaafoonee, kamana mudannin sheekh ii marsha oo macarifo i dheere, Waan mihindisaye ii ma dhigin macallin yeedhsheeye, Waa shay maqaadiir ku yimid aan yar maamulaye,Sow duul masayr ugu dhinteen madadka lay siiyey.
Mahdabtaa Shanaad baan dajoo nala murmaysaanee.
Carabkii qoyani waa hadlaa, hey canjalafaynee in cadaalad sheekadu gashaan kaa codsanayaa.
Hadii geed la jaro oo gudumo looqaato oo barka sare la googooyaa waa wax gar weyne ma guntay ugu ursadeen kan dhacay waa gobkii Maxan ee.
Kadadii la ii qoray horteed in aan dhintaa kaafka kuma taale. Ha karaama seegina habaar lagu kari waaye.
Murti baan ka reeba Hadha iyo Anigu maahmaah'e
Miisaan hadaan hadal lahayn aa macno la'aane

Gabayada cali dhuux aadan(halqabsi)

Doqonkii ogaadeen ahaa doolo laga qaadye.
Alaahu akbar eedaanku waa kaa afkiyo beene Ashahaaday gaalkuba waase ehelu naarkiiye Uubo weysa waan kugu arkaa Agab salaadeede.
Weyshaan u xiray reer Subeer wiil kafura waaye markay waa Tiraahdaba baqay wagac ka siiyeene.Wadkii dililahaa iyo imoode waramadiisiiye.
Alla may wadnaha joojiyaan waaxid baajira ee.
Cad hadduu carada kaaga dhaco amase cidoobo.
Caqli nimuu ku weyn yahay ma cuno calafka qaarkiise. Anigana caruuraha yaryari wa iga caynkaase.
Maxaan Aadan carab kala hadlaa caaqil baan ahaye
Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye
Nimankaan Haraadkiyo aqoon, hawdka mariddiisa, Kolay haber jeclo muuse tahay, waw handamayaane,Nin waliba haruub u toshiyo,haamo gooniya,Haweenkuna hadday doonayaan,inay hidiidaane.
Iidoor wagaash lahaa wabiga jeexsiiye
Nacasku waa i wiiqaye iidoor waanigii wadaye,waatii waddada aan ku riday, wagacda jiilaale,waa tii wadnaha aan u galay, sida wadaadkiiye, Oo waalidxoortaan ogaa wiish la caridaye
Waxaan oo habeeyaba reer tolkay oodda soo jebiye waa ku waas ardaayada dhigay idhanka toomoodde.
Bada gabay Ismaaciil miraa Buuni ku ahaaye.
Beyd uu akhriyey ma odhan,ya badala kaase.
.
Hal igalay sida ugaxa goray ha igu gaadhnaado.
Midhihii xujaalagu arkoo lagu xariimooye xuduntay fadhiisteen ninkii xaashay laba goore xeerada kacalo aniga wayga xaaraan e.
Ogadeenka noosoo gabyoow waa gar xaajaduye.
Mooyaa ka ciyey baad maqashay reerahaad maca wadaagteene. Waxaad maqashay Madhle iyo Gobley bay midho ku yaaliine Ogadeena midhihii ku guray mohoradiisiiye in aad Himirta muudmuud sataad mihindiseysaaye.
Koley aniga oo aan hawraarsan iyo haa ku odhanaynin, maxaad gacanta ii haysataa waa habeyn dumaye.
Saddexdiiba naag loogu maray oo lagu madoobeeyey, In muraayaddeedii jabtaan marag u haystaaye, Martabtay heshaa waa carmali magac ku yeedhaaye, Iga maarso yaan ina Calaay kuugu malaqsiine.
Naagahaan dhankii loo rogiyo dhinacna diidayne. Dheddigaanshahaa lagu arkiyo, dhiigga caadada e. Haddayan dhiilka caanaha lahayn, laguma dhaarteene. wax ka dhigan gobtii dhawrsataan, ceeb ka dhiidhiyine. Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye. Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide.
Cayuun shaash leh oo wiilkii lahaa shaaha karinaayo Waayeelna xeeb uga shir tegey male Shirshooruuye Isagaan shaarublow Reer Isaaq shucub aan reebeene Shamal ay tuntaan iyo haween shuqulkii mooyaane, Sharba idin ma daareen haddaad shalay na dhaaftaane Daraan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyeene.
War bal Baaruuda foorari inaan kugu bogi waayo.
Nin la maagay aasaan midho yaraan lagu malaynaynin oo maansada ilaahay baroo macalinkeeda in ma dhoodho loo soo tirshaa wa macno la'aan
Hadii dherer wax taro naagahaa dhicin lahaa geele.Ayaba aabahood oo dhintey dhaxal ka waayaane

taageera maamulka cusub






soo dhowaada

welcome to this blog